Somali News

Dawladda Eritrea oo Maraykanka ku eedeysay inuu hurinayo colaad ka dhacda Itoobiya


Asmara KNN: Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Eritrea Cusmaan Saalax ayaa
waxaa uu ku eedeeyay dawladda Maraykanka inay ka shaqaynayso colaad ka
bilaabata dalka Ethiopia taasoo uu ku sheegay inay gobolka dhibaato weyn
ku noqonayso.
Wasiirkan waxaa uu sheegay in xukuumadda M/weyne Jo Biden ay
doonayso inay siyaasadayso xaaladda gobolka Tigreega oo uu sheegay inay
hadda degan tahay waxaana uu intaa ku daray inay xukuumadda
Washington ay buun buunin ku samaysay warar aan jirin.
Labaatankii sanno ee lasoo dhaafay ayuu wasiirka arrimaha dibbadda Eritrea
sheegay in Maraykanku uu taageerayay ururka TPLF oo Ethiopia
maamulayay haddana uu kasoo horjeedo dawladda Ethiopia ka jirta.
Hadalkaan waxaa uu ku sheegay Cusmaan Saalax wasiirka qoraal uu u diray
golaha amaanka ee Q/M taasoo dawladiisu kaga dacwoonaysay wax uu ku
tilmaamay gardadarada Maraykanka ee gobolka.


Eritrea waxaa lagu eedeeyay inay ciidamo u dirtay gobolka Tigreega ee
waqooyiga Ethiopia bishii November ee sanadkii hore markaasoo uu socday
duulaan ciidamada Ithiopia ku qaadeen jabhadda TPLF.