Somali News

Dawladda Kenya oo War kasoo saartay Doorashada Jubbaland

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya ayaa waxaa lagusoo dhaweeyay Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo, isla markaasina dib loogu Doortay Madaxweyne  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

Qoraalkan kasoo baxay Dawladda Kenya ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

Dawladda Kenya ayaa sidoo kale waxa ay qoraalkeedan baaq ugu dirtay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya kaas oo ku aadan in ay la shaqayso Dawlad Goboleedka Cusub ee Jubbaland oo uu hogaamin doono Afar sano ee soo socota

Kenya ayaa maalmihii uu socday ololaha Doorasho ee Jubbaland waxa ay u muuqatay mid si weyn u taageersan Axmed Madoobe iyadoo dhinaca kale ay warbaahinta Dalka Kenya ay aad u hadal hayeen Doorashada iyo Taageerada Axmed Madoobe