Somali News

Deb khasaara geestay oo ka socda Kaalin Shidaal oo ku taala Guriceel

Guriceyl-KNN-Wararka ka imaanayo magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in saakay ay gubaneyso Kaalin Shidaal oo ku taala bartamaha magaalada sida ay ku waramayaan mas’uuliyinta degaanka,

Debka oo si xowli ah ku socda ayaa ku sii fidaya goobo Ganacsi, sida Shirkadda Beder iyo Carwooyin ka agdhow waxaana aad u hooseeya dadaalka lagu daminayo Debkaasi.

Guriceel iyo nawaaxigeeda lagama helo Gaadiidka Deb Damiska balse waxaa jira Olale isxilqaan ah oo ay wadaan dadka degaanka oo daminaya debkaasi.

Wixii warar dheeraad ah halkaan kala soco