Somali News

Debkii maanta ka kacay Guriceel oo la damiyay

Guriceel-KNN-Boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay deminta Deb khasaara badan dhaliyay ayaa maanta barqadii ku guuleestay daminta Debkaasi.

Shacabkaan iyo Maamulka degaanka Guriceyl ayay ku qaadatay daminta Debka wax kabadan 5 saac waxaana ku baaba’ay hanti badan oo isugu jirta Kaalin Shidaal, Shirkadda Beder, iyo Carwooyin iyo goobo kale sida ay sheegayaan wariyaal ku sugan Guriceel.

Degaanka Guriceel iyo degmooyinka ka agdhow-ba malahan gaadiidka Deb Damiska waana sababtay keentay in Debka kusii fido goobo Ganacsi oo ka agdhawaa Kaalinta Shidaalka ee Debka ka kacay.