Somali News

Deegaan ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish oo la duqeeyay.

Boosaaso-KNN-Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warimayaa in ay duqemo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Buurahaha Gobalka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacay deegaanka Miraalle oo 28km dhanka bari kaga  beegan Magaalada Boosaso ee Gobalka Bari waxaana la tilmaamay in howlgal ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada PSF ee maamulka Puntland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in duqeyn ay ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri, islamarkaana la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Duqeynta  ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan deegaanka Miraalle oo 28km dhanka bari kaga  beegan Magaalada Boosaso ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana la sheegay inuu khasaaro ka dhashay duqeyntaasi.

Inta ogyahay 8 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku geeryooday,kadib duqeyn ka dhacay deegaanka Miraalle, iyadoona halkaasi dhawaan ay dagaal kula galeen daacish, islamarkaana ay shabaab la wareegeen.