Somali News

Deegaanada Galmudug oo Maanta aan laga Soomin

Muqdisho-KNN-Deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta laga soomin xilli inta badan dalka maalinta 1-aad la sooman yahay.

Degmooyinka kala ah Dhuusmaareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa maanta laga soomin, iyadoo Ahluaa-sunna Waljeeca sheegtay in berri tahay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Degmada Cadaado ayaa inta badan laga sooman yahay, inkatoo ay jiraan dad aan soomin.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.