Dhuusamareeb-KNN-Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dabaal degyada maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, iyadoo xalay madaxa xukuumadda maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciida.
Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka laga maqlayay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciida.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaada Ciida la dukaday dadweynaha magaalada Dhuusamareeb.
Inta badan Gobolada Dhexe ayaa maalin ka danbeeya maalmaha Ciida iyo Soonka oo aanay gobolada kale ee dalka isku waqti la ciidin ama la soomin, waxa ayna madaxdoodu ku adkeystaan aragtida bisha.