Dhuusamareeb-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe Soomaaliya, ayaa sheegaya in maanta laga sooman yahay magaalooyinka ay ka taliyaan Galmudug.
Magaalooyinka iyo deegaanada ay sida buuxdo loogu sooman yahay ayaa waxaa ka mid ah Dhuusa Mareeb, Caabud waaq, Guriceel, Cadaado, Xeraale iyo Matabaan oo ka tirsan Galgaduud.
Culimada ku nool deegaanada Galmudug, ayaa dadka deegaanka u sheegay in soddonka maalmood ee bisha Ramadan ay kaamil yeelayan, maadaama sida ay sheegeen aan deegaanadaasi laga arag bisha.
Maanta oo ah maalintii koowaad ee ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa farxadda maalinta wey ee ciida, waxaana muuqata in farxadda iyo damaashaadka ciidda an loo kala harin dhallinyaro, caruur iyo ciroole.
Waddooyinka Muqdisho waxa soo camiray caruur fara badan oo loo soo labisay, islamarkaana heysta qalabka caruurtu ay ku ciyaaraan, kuwaas oo ay daadihinayaan waalidiintooda oo u qaraabo salaan tegaya xaafado kale.
Gaadiidka dadweynaha, Takaasida iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ayaa aad u shaqeynaya maanta, kuwaas oo dadweynaha kala daabulaya, maadaama ay dadku is booqdaan maalmaha ciidda.