Somali News

DEG DEG:- Al-Shabaab iyo Ciidamada itoobiya oo ku dagaalamaya Gobalka bay.

Buurhakaba-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo marayay Duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobalka bay.

Weerarka ayaa marka hore ku bilowday qaraxyo miino oo lala eegtay ciidamada itoobiya, kadibna waxaa xigay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada itoobiya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Kolonyadan ka tirsan Ciidamada itoobiya ayaa waxaa ay ka yimaadeen degmada Buurhakaba, waxaa ayna ku sii jeedeen magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray dhinacyada  ku dagaalamay duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobalka bay.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal.

Ilo Madax banaan ayaa sheegaya in dagaalka marka uu istaagay kadib ay ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay si toos ah u bartilmaameedsadaan dadka Beeraleyda ee ku dhaqan duleedka degmada Buurhaba.

Dadkii ay waxyeelada gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya ayaa la geeyay isbitaalada ku yaala Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in Ciidamo itoobiyaan ahay ku dileen dagaalka, islamarkaana waxaa ay tilmaameen in ay gaadiid badan gubeen, mana jirto cid xaqiijin karta warka ay sheegteen Al-Shabaab.