Somali News

Deg-deg: Al-shabaab oo sheegtay Qaraxyadda iyo Weerarka Muqdisho ka dhacay

Mogadishu-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Weerar toos ah  iyo Qaraxyo  ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Al-shabab waxaa ay sheegteen in ay Weerarka la beegsadeen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga islamarkaana koox hubeeysan oo ka tirsan ay gudaha dhismaha u daateen.

Kooxdu ma aysan sheegan khasaaraha ay Dagalamayaashoodu geeysteen.

Al-shabaab ayaa fuliya weeradda ugu badan ee ka dhaca magaaladda Muqdisho iyo Goboladda dalka, waxaana ugu darnaa weeradda Al-shabaab ee Soomaaliya midkii dhacay 14 kii October ee Sanadkii hore oo ay ku dhinteen dad badan 512 Qof, dad intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.