Uncategorized

War Deg Deg ah :-Buuq ka dhashay doorashada Kursi ka Banaan Golaha Shacabka oo Muqdisho ka socotay.

Muqdisho-KNN-Waxaa Magaalada Muqdisho maanta ka soctay doorashada mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo ay qabanayeen Gudiga doorashooyinka qaranka ee Madaxa banaan.

wararka aan heleyno ayaa sheegaya in markii ay bilaabatay codeynta ay dadka ergada ah u codeynayaan labo murashax oo u taagan kursiga ka banaan Golaha Shacabka ay qaar kamid ah ergada buuqeen.

21-kamid ah ergada maanta dooraneysa xildhibaan ka kursigiisa banaanyahay ayaa buuqay oo sabab u noqday in aysan doorashada sii socon waxaana ay ku doodayaan in Musharax ay rabeen laga reebay Tartanka oo uusan kamid ahayn dadka haatan loolamaya.

intaas kadib ayaa gudiga doorashooyinka qaranka waxaa ay ku dhawaaqeen in ay baaqatay doorashada oo ay dib kaga soo sheegi doonaan xiliga la qabanayo.