Somali News

DEG DEG: Ciyaarta Soomaaliya iyo Eritrea oo goordhow soo dhamaatay

Xulalka Kubada cagta Soomaaliya iyo Eritrea ayaa maanta waxaa ay ciyaar  ku dhex martay garoonka ku yaala dalka Uganda, waxaana la ciyaarayaa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup.

Ciyaarta ayaa waxaa ay ku dhamaaday bar bar dhac oo ay wada galeen labada kooxood, waxaa ayna ciyaarta ku idlaatay soomaaliya 0 iyo Eritrea 0.

Xulka qaranka Soomaaliya kulankii ugu dambeeyay waxaa uu 1-0 ugu soo adkaaday xulka Burundi, halka Eritrea ay soo kala direen xulka Jabuuti, ciyaar ku dhammaatay 3-0.

Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa inta ay ciyaarayeen waxaa ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.

Labadan Xul ayaa kuwada jira Guruup-ka A, waxaana ku wehliya xulalka kala ah; Jabuuti, Burundi iyo Uganda, waxaana Guruup-kan hoggaanka u haya xulka martigelinaya tartanka sanadkan ee Uganda oo leh 9-dhibcood.