Muqdisho-KNN- Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa lagu waramayaa inuu yahay mid aad u culus islamarkaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa culus.
Ciidanka xooga ayaa gurmad uu iskaga imaanayo Magaalad baydhaba iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin.
Dagaalka ayaa waxaa ay Al-shabaab mudo saacad ah ka hor ku qaadeen saldhig ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka Deeynuunaay.


