Somali News

DEG DEG:-Dagaal ka qarxay Itoobiya

Jigjiga-KNN-Dagaal xoogan oo udhaxeeya Qoowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa waxaa uu ku soconayaa halka ay xuduudda ka wadaagaan deeganada Oramada Iyo Soomaalida ee dhulka ay Itoobiya Maamusho.

Warar aan heleeyno ayaa sheegaya in dhowr tuulo ay qabsadeen Kooxaha Oromada oo ay Soomaalidu leedahay, dagaalkuna wali waa uu socdaa, Aagga dagaalkuna waxa uu umuuqdaa in uu sii ballaaranayo.

Dagaalkan ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu dabayaallo qalalaasihii ka dhacay dhawaan Magaalada Jigjiga halkaa oo waxyeelo loo geestay dad kasoo jeeday Qomiyadda Oromada.