Somali News

Deg Deg; Dagaal ka socda Degaanka Dacdheer

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Degaanka Dacdheer ee Gobalka galgaduud gaar ahaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo itoobiya  ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyo labo  maleeshiyo beeleed uu saakay ka soconayo degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa KNN u Sheegay in saakay uu qarxay dagaalka, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac uu jiro ,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa hada ku wajahan Degaanka Dacdheer  oo ay ku dagaalamayaan labo maleeshiyo Beeleed, Sida uu  soo sheegayo Wariyaha KNN ee Magaalada Cadaado.

Dhawaan ayay aheyd markii Degaanka Dacdheer ay ku dagaalameen beelo  wada dega degaankaasi, iyadoona Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay.