Uncategorized

DEG DEG:- Dagaal saakay ka qarxay magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Dagaal xoogan  uu  saakay aroortii ka bilaawday xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiraan.

Xaafadaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Xaawo taako, Buundada koowaad iyo kontoroolka laga soo galo magaalada Beladweyne.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jabhad uu hoggaaminayo Gen Xuud ayaa la wareegay xaafado ka tirsan Magaalada, kuwaasi oo diidan in madaxweynaha Maamulka Hirshabelle  Cali Guudlaawe uu gaaro Magaalada Beladweyne.

Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa weli xaafadaha magaalada ka socda dagaal u dhaxeeyo ciidanka dowlada iyo jabhadaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu wadaa  inuu  maanta gaaro magaalada Beladweyne waxaana guul dareestay dedaalo socday saacadihii la soo dhaafay oo ahaa in Jabhadda lagala soo hadlo soo dagistiisa.