Somali News

DEG DEG:- Dagaal saakay ka socda Mudug.

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saakay markale waxaa uu  dib uga qarxay deegaano ka tirsan  Bariga Gobolka Mudug

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaano u dhow degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee gobolka Mudug LIibaan Cajiib Xaaji.

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay dagaalka saakay ka socda Degmaa Towfiiq ee gobolka Mudug, waxaasi la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka saakay ka socda degmada Towfiiq ayaa ku soo aadaya xili dhawaan  maleeshiyaad ay ku dagaalameen deegaano ay ka mid yihiin Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Maanta ayaa la filayay in odayaal iyo waxgarad ah ku baxaaan xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Wixii ku soo kordha la soco.