Somali News

Deg deg:-Diyaarad waday ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo gaartay Dhuusamareeb

Labo Diyaaradood Oo Sida Ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Goordhow gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Magaalada Dhuusamareeb

Qaban qaabada Soo Dhaweynta Wafdiga Uu Hogaaminayo Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka socota Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo maalmihii dambe ka socday Magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay