Somali News

Doorashada Madaxweynaha HirShabeelle oo ka socota Jowhar

Jowhar-KNN-Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa hadda ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, taas oo ay ku tartamayaan ilaa afar musharax.

Labada musharax ee u tartameysa xilka madaxweynaha HirShabeelle ayaa  kala ah, Cabdiraxmaan Jimcaale iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweyne ku xigeenkii mudo xileedkiisa dhameystay.

Sidoo kale laba musharax oo kale ayaa maanta u tartameysa xilka madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, kuwaas oo kala ah Maxamed Dheere oo ka mid ahaa golihii wasiirrada HirShabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

Haatan waxaa lagu guda jiraa doorashada madaxweynaha, iyadoo ay xigi doonto doorashada madaxweyne ku xigeenka.

Hoos ka Daawo

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1357147707950402&id=1236423836460048