Kismaayo-KNN-Waxaa goordhow Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose ka bilowday doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Hoolka ay ka dhacayso doorashada ayaa haatan waxaa ku sugan Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Jubbaland, odayaasha dhaqanka, marti sharaf lagu casuumay doorashada iyo qaar ka mid ka mid ah musharixiinta ka qeyb galaya doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.
Ilaa iyo afar Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo uu ku jiro Axmed Madoobe, halka midna ay tahay haweenay.
Amaanka wadooyinka soo gala goobta ay ka dhacayso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka Magaaladaasi.