Somali News

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay safiirkii Kenya

 Muqdisho-KNN-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay inuu dalkiisa ku laabto safiirka dowladda Kenya u fadhiya Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha dalkeenna.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray” ayuu yiri xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo war-saxaafadeedka dowladda akhriyey.

Halkan Hoose ka Daawo