Somali News

Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda Rooble

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw codkooda kalsoonida siiyey xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble uu soo dhisay dhawaan.

Ajendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku koobnaa u codeynta kalsooni siinta xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Ra’iisul wasaare Rooble iyo barnaamijka xukuumadda.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha ka hor akhriyey barnaamijka shaqo ee hor yaalla xukuumadiisa waxuuna golaha ka dalbaday inay ansixiyaan xukuumaddiisa cusub.

Intaas kadib golaha ayaa cod u qaaday xukuumadda Rooble, 188 xildhibaan ayaana u codeysay, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jiraan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo shir guddoon ahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 19-kii bishan soo magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 70-xunood oo kala ah wasiirro, wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeenno.


Shaqada ugu badan ee xukuumaddan hor taalla ayaa ah, qabashada doorashada dalka ee 2020/2021-ka oo waqtigeeda ku dhacda, sida uu balan qaaday ra’iiusl wasaare Rooble, markii uu baarlamaanka ka dalbanayey codkooda kalsoonida.