Uncategorized

Deg-Deg Gudoomiye Muudeey oo soo saaray Amaro la xiriira amniga xarunta Golaha shacabka iyo Jawaari oo ka jawaabay.

Muqdisho-KNN- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo saaray amaro ku socda laamaha Amniga kaas oo la xiriira sugida amniga xarunta Golaha shacabka iyado la faray in aysan xildhibaanada Golaha la soo geli karin Hub iyo ilaalada intaba.

Warqada ayaa si toos ah ugu soctay taliyaasha Booliska, Nabadsugida iyo ciidamada ilaaliya xarunta Golaha shacabka ee isugu jira Booliska Soomaaliya iyo Amisom iyadoo la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare kheyre waxaana xildhibaanada guud ahaan laga dalbaday in ay u hogaamsamaan amarka la xiriira amniga ee la siiyay talisyada ciidamada.
Gudoomiye Jawaari oo uu mooshinka ka yaalo ku xigeenka 1aad ee warqadan soo saaray iyo kan labaad Mahad Cawad ayaa sidoo kale la tilmaamay in ay banaanka xarunta uga tagi doonaan ilaalada u gaarka ah iyado ay amnigooda mas’uul ka yihiin Booliska ilaaliya xarunta Golaha shacabka sida lagu xusay Warqadda uu soo saaray Gudoomiye ku xigeenka Muudeey oo doonaya in biri laga doodo mooshinka.
dhinaca kale waxaa arinkaasi ka jaawabay Gudoomiyaha Golaha shacabka ee uu mooshinka ka yaalo Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari , waxaana uu tilmaamay in hey’adda Fulinta toos u faro gelineyso amniga xarunta Golaha shacabka.
Mahad cabdalla cawad gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka oo aqriyay war uu soo saaray Gudoomiye jawari ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wax ka ogyahay sida wax u socdaan islamarkaana wixii khalalaase amni iyo siyaasadeed ee ka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.
sikastaba birito ayaa siyaabo kala duwan waxaa xildhibaanada Golaha shacabka kulan u balamiyay Gudoomiye Jawaari iyo Ku xigeenkiisa 1aad Muudeey oo uu mid waliba doonayo inuu shirgudoomiyo , xildhibaanada uu hordhigo ajande gaar ah.