Somali News

Deg deg:-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo goordhow Mooshin laga gudbiyay.

Dhuusa Mareeb-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay mooshin ka keeneen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi  Carabey,islamarkaana ay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka galmudug Xareed Cali Xareed.

Tirada Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug  Maxamed Cabdi Xaashi Carabay ayaa waxaa ay gaarayaan 97 mudane,Sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Magaalada Dhuusa Mareeb.

Dhawaan ayaa la filayaa in dood adag ay ka yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka galmudug mooshinka laga keenay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusa Mareeb ay xilka ka qaadeen gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali gacal Casir,inkastoo isaga uu ka horyimid xil ka qaadista.

Mooshinka maanta laga gudbiyay Madaxweyne ku xigeenka galmudug ayaa waxaa ay sii hurin kartaa Khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareysa  Maamulkaasi.