Somali News

DEG DEG:-Qarax gaari weyn loo adeegsaday oo ka dhacay Afgooye

Afgooye-KNN-Weerar Ismiidaamin ayaa Goordhaw waxaa lagu weeraray Saldhig Ciidanka Booliska Soomaaliye ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo 30km Galbeed Muqdisho kaga beegan.

Qaraxan oo dhaqajiisa laga maqlay guud ahaan Magaalada iyo daafaheeda ayaana wali la ogeyn xogta rasmiga ah ee ku Saabsan weerarkan madaama goordhaw uun uu dhacay.

Masuulyiin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo KNN ay la hadashay waxa ay usheegeen in weerarkaa uu jiro walina xaalku uu kacsanyahay lana ogaan karin qasaaraha iyo sida wax udhaceen.