Somali News

Deg Deg:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax lagu xiray gaari ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha Wadada Maka almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in gaari Saruf uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa Taliyaha qeybta baarista ee  Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da, sida ay sheegayaan goobjoogayaal la hadlay KNN.

Ma jiraan wax khasaaro oo ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada  booliska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameynaya.