Somali News

Deg deg:-Qarax goordhow lagu weeraray xarunta degmada hodan.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo xarunta degmada hodan ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in qarax Gaari goordhow lagu weeraray xaruntaasi.

Qaraxa ayaa la soo sheegaya inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

Wariyaal ka tirsan KNN oo goobta ku sugan ayaa soo sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay goobta gaareen,islamarkaana ay xireen wadooyinka soo gala degmada.

Gaadiidka Gurmadka ayaa hada waxaa ay qaadayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray xarunta degmada Hodan.