Somali News

Deg Deg: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ruux is-miidaamiyey ayaa isku qarxiyey maqaaxi ku taalla kasoo horjeedka Madaxtooyada magaalada Dhuusamareeb ee Inji.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayuu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu marayey waddo hor marta maqaaxida uu ruuxaas isku qarxiyey.

Wixii kasoo kordha Qaraxaas kala Soco KNN: