Somali News

Deg Deg Qarax Ka dhacay Ex Control Afgooye.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goor dhow ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay Ex Control Afgooye.

Dadka ku dhaqan deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jug culus oo qaraxa ah, kaddibna ay arkeen dad goobta laga qaadayo.

Ilaa iyo hadda siddeed qof ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhaawacmeen waxaana qaarkood loo qaaday isbitaalka weyn ee Madiina.

Qaraxan ayaana la sheegay inuu ahaa miino dhulka la geliyay iyadoo aysan wali wax faahfaahin ah ka bixin taliska booliiska Soomaaliya.