Uncategorized

Deg-Deg qarax miino oo goordhaw ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN- Deegaanka weeydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhaw ka dhacay qarax miino oo lala beegsaday Gaari nuuca Cabdi bile loo yaqaano oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka maqaayad la yiraahdo Aaran oo u dhaw laamiga deegaanka weydow ee duleedka Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay arkayeen dhaawac qaar kamid ah ciidamada saarnaa gaariga ee qaraxa lala eegtay waxa ay sidoo kale sheegeen in ay jiraan dhimasho soo gaartay askarta qaar balse aysan heyn tirada rasmiga ah.

ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Amniga ee dowladda oo wali qaraxa goordhaw dhacay ka hadashay.