Somali News

Deg Deg:-Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Qarax xoogan ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Meel u dhow Nawaaxiga Xaawo taako ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoona haatan la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka ee dowladda soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Bar Kontorool oo ay ciidamada xoogga ay ku baaraan gaadiidka oo u dhow nawaaxiga Madxafka qaranka.

Ilaa iyo hada lama oga halka sida rasmiga ah ee loo bartilmaameedsaday.

Wixii ku soo kordha la soco.