Muqdisho-KNN- Abaaro 06:30 Maqribki xiliga Muqdisho ayaa mar qura waxaa xaalad cabsi dhanka Amaanka ahi ka bilaawday Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan wadada sayidka ilaa Isgoyska Jubba.
labo qarax ayaa dhacday inkasta oo aan wali la heyn faah faahin dhameystiran, qaraxa hore ayaa sida la tilmaamayo ka dhacay dhanka Wasaarada Amniga agagaarka Hotel-ka Cusub ee Doorbin oo ku yaala Km 0 una dhaw xarunta Taliska Nabaf sugidda Soomaaliya ee habar qadiijo, halka qarax labaad uu goor-dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn hotelka SYL ee magaalada muqdisho.
xaalada ayaa ah mid kacsan iyada oo la maqlayo rasaas dhaceysa balse aan la ogeyn Cida rideysa iyo in ay jirto meel ay Dagalamayaal shabaab ah galeen.
ciidamo militari ah ayaa dhamaan wadadooyinka soo gala madaxtooyada buux dhaafiyay iyadoo oo ay jirto Cabsi xoogan.
dhamaan xaladahan ayaa imaanaya iyadoo maalinti shalay ahayd uu wasiirka Amniga sheegay in Magalada Muqdisho uu ku jiro gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.


