Muqdisho-KNN-Labo qarax oo is xig xigay ayaa waxaa Goordhow laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.
Dad Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in labo Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku qarxeen agagaarka Isgooska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Dadka goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ilo wareedyo ayaa KNN u Sheegay in qof watay gaari Baraado ah loogu xiray Waxyaabaha qarxa, Iyadoona qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah.
Gaadiidka Gurmadka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ayna halkaasi ka qaadayaan dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi ka dhacay isgooska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha la soco.


