Somali News

DEG DEG:-Rasaas xoogan oo laga maqlayo gudaha Jigjiga

Jigjiga-KNN-Rasaas xoogan oo dhinacyo badan ka dhaceysa ayaa goordhaw waxa ay ka bilaabatay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kilinka Shanaad.

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in isku dhac uu ka dhex bilaawday Ciidamada Federaalka Itoobiya ee Gudaha magaalada ku sugnaa iyo Ciidanka Liyuuga loo yaqaan.

Xaafadaha aan dadka Soomaalida ah degeneen ayaa waxaa laga soo warinayaa in xaalad cakiran ay kajirto iyada oo Ciidamo ay isku gadaameen.

Isu socodka Magaalada ayaa gabi ahaanba joogsaday waxaana halis badan laga muujinayaa Xaalka hadda ka taagan Jigjiga.

Shaqaaqadan ayaa waxa ay kusoo beegmeeysaa iyada oo Maalinimadii shalay aheed deegankaasi looga dhawaaqay Madaxweyne Cusub.