Uncategorized

Deg-Deg Taliyaasha Nabad-Sugida , Booliska iyo Asluubta oo la Magacaabay.

Muqdisho-KNN=Waxaa Golaha wasiirada ee xukuumada Somalia shir ay yeesheen lagu Magacaabay Taliyaasha ciidmada Booliska , Nabad-Sugida iyo Asluubta ee Somalia kadib Reysulwasaare Kheyre oo shir gudoomiyay.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Reysulwasaraha ee xukuumada Cabdullahi Xaamud Maxamed oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka Golaha wasiirada ayaa sheegay in Taliyajha ciidanka booliska somalia loo magacabay Bashiir Axmed maxamed oo hore u ahaa taliye ku xigeenka Booliska , taliyaha hey’ada nabadsugida iyo sirdoonka qaran ayaa loo magacaabay Xuseen Cusmaan xuseen oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka iyo taliyaha ciidanka Asluubta oo loo Magacaabay Gen Bashir Maxamed Jaamac Goobe.

taliyaasha booliska iyo nabad sugia ayaa mudo afar bilood ahi waxaa uu ahaa mid laga dhowr sugayay magacaabistooda.