Somali News

DEG DEG:-W/Cawad oo ka hadlay shaqa ka joojintii ku xigeenkiisa.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay shaqo ka joojinta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu maanta ku sameeyay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiir ku Xigeenka Baaris ay ku socoto islamarkaana ay caadi tahay in masuulka markii baaris ay ku socoto in shaqada laga joojiyo, Wasaaraddana aysan saameyn ku yeelan doonin shaqo ka joojinta Wasiir ku Xigeenka.

Wasiir xigeenkan ayaa dhowr maalmood kahor waxa uu ka badbaaday in xabsiga la dhigo, iyada oona lagu eedeeyay arimo musuq la xiriira.