Uncategorized

Deg-Deg Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Sheegtay In Magaalada Muqdisho Ku Jiraan Gawaari Laga Soo Buuxiyay Qaraxyo.

Muqdisho-KNN= Wasiirka Wasaarada Amniga ee Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay In Magaalada Muqdisho soo Galeen gawaari ay Saaranyhiin Walxaha qarxa.

Hadalkaan ayuu wasiirka Amniga ka sheegay kulanka Golaha wasiirada maanta oo qaamis ah kaas oo uu reysulwasaare xasan Cali Kheyre Shir gudoominayay.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Craxmaan Iidaan yoonis oo warbaahinta uga warbixiyay kulanka Wasiirada aya sheegay in Wasiirka Amniga Maxamed abuukar Ducaale Islow uu sheegay in ay shacabka ka dalbanayaan in ay ka digtoonaadaamn baabuur sida walxaha qarxa oo magaalada ku jira.

Warbixintii maanta ee uu wasiirka amniga siiyay Golaha Wasiirrada ayuu ku sheegay in Gaari Noah ah oo loo ekeyiisay Gaadiidka Sharikadda Sahal ee Air-Portka  Muqdisho ay ku jirto magaalada iyo baabuur kale oo dhamaan lala rabo in lagu Qarxiyo Xarumaha Dowlada Somalia.

Sikastaba Digniintan ka soo baxday golaha wasiirada ayaa imaaneysaa iyadoo maalmo kahor Hey’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA loo magacaabay Taliye cusub .