Uncategorized

Deg-Deg-Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka caawa la wareegay Xarunta Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN- Wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale taliska ciidanna Booliska ayaa si wadajir ah uga hadlay ciidan dheeri ah oo caawa la geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumada Xasan Macalin Xuseen iyo taliyaha Ciidanka Booliska Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta kala hadlay ciidanka la geeyay Golaha shacabka waxaana ay sheegeen in la sugayo kali ah Amniga Xarunta oo ay ka jiraan maalmahaan shirar xasaasi ah.

Xasan Macalin Xuseen wasiiru dowlaha Amniga ayaa ugu horeyn sheegay in wasaadu amartay in ciidanka suga Amniga xarunta ay taliskka Booliska geeyaan isagoo sheegay in ay Mas’uuliyad ka saarantahay sugida Amniga halka ay xildhibaanada ku shiraan ee Xarunta Golaha shacabka.

taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in Ciidanka dheeriga ah ay u keeneen si loo adkeeyo amaanka xarunta oo ay ka dhacayaan sida uu sheegay kulamo xasaasi ah.