Uncategorized

Deg-Deg: Xildhibaan Caawa lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN- Dableey Hubeeysan ayaa Caawa Magaaladda Mudisho ku dishay Xildhibaan ka tirsan mudaneyaasha koofur Galbeed Soomaaliya.

Dilku waxaa uu ka dhacay Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir, Goob jooge yaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Dableey Bastoolado ku Hubeeysan ay Xildhibaan Ruqiyo Abshir Gaabane ku Dileen Gurigeeda.

Kooxdii Dilka geeysatay ayaa goobta isaga cararay, waxaana jira Baaritaan ay wadaan laama amaanka ee Muqdisho.