Uncategorized

Deg-Deg Xildhibaanada Maamulki Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug oo lagu dhawaaqay.

Dhuusamareeb-KNN- Munaasabad lagu soo bandhigayay Xildhibaanada maamulki Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka Maamulka Galmudug taas oo qeyb ka ahayd heshiiska ay ku midoobeen labada maamul ayaa caawa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madashada ayaa waxaa ku wada sugnaa madaxda maamulka Galmudug iyo xildhibaanada la isku daray oo tirada guud ay Noqoneyso 178-xildhibaan oo Baarlamaanka galmudug ah oo ay labada dhinac ka imaadeen min 89-Xildhibaan.

Liiska xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ku matalaya maamulki Ahlusuna ayaa waxaa saxiixay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Shiikh Shaakir .

Cali gacal casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa u jeediyay dardaaran xubnaha guud ahaan ee Baarlamaanka maamulkaasi si ay uga qeyb qaataan hormarinta deegaanada galmudug.

Shiikh Maxamed Shaakir madaxa xukuumada Galmudug horayna u ahaa Gudoomiyaha Ahlusuna ayaa tilmaamay in lagu guuleeystay isku dhafka xildhibaanada ayna tahay hormar lagu talaabsaday.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in tani tahay dhameystirka heshiiska labada Maamul islamarkaana ay qeyb ka qaadan doonto nabadeynta deegaanada Maamulkaasi.