Uncategorized

War Deg-Deg ah:- Xildhibaan iyo Wasiir ku dhintay qarax ka dhacay Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa duleedka degmada afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlaamanka Hirshabeelle iyo Wasiiru Dowlihii amaanka ee Maamulka koofur Galbeed.

Mas’uuliyiintaan iyo Askar la socotay ayaa Gaari ay saarnaayeen waxaa haleelay Qarax miino oo dhulka lagu aasay kaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Waraabaale iyo Doonka oo duleedka degmada Afgooye.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay falkaan ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiinta Geeriyooday ayaa lagu kala magacaabaa Cabduqaadir Cabdiraxmaan  Baraf  oo ahaa Wasiiru Dowlihii amaanka Koofur Galbeed iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeele iyo sidoo Askar wafdiga la socotay.

Xubnahaan ayaa ka yimid degmada Wanla-wayn oo ay kaga qayb galayn shir looga hadlayay arimo la xariiro amaanka degmadaasi, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyionta dhintay qaraabo ahaayeen.

 

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha.