Somali News

Deg-Deg Wafdi ka socda dowladda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray.

Muqdisho-KNN-waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi ka socda Dowladda Eritrea.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Cusmaan Saalax , waxaana kamid ah la Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab sida loo xaqiijiyay Idaacadda Kulmiye.

waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wafdiga ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , waxaana la tilmaamayaa in loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya oo ay kulamo ku leeyihiin.