Dhuusa mareeb-KNN-Waxaa goor dhow Magaalada Dhuusa mareeb lagu soo afjaray doorashada kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Kursigan ayaa horay waxaa u baneeyay Cabdul qaadir Gaafow Maxamuud, waxaana maalin ka hor doorashadiisa ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ah Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Xiireey Muxudiin Cumar.
Guddiga doorashooyinka ayaa intaa kadib waxaa ay ku dhawaaqeen in Cabdullaahi Gaafow Maxamuud uu ku guuleystay doorashada,islamarkaana uu ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.