Somali News

Degmada Buuhoodle oo Xaalad deg deg ah lagu soo rogay

Buuhoodle-KNN:-Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa Saaka laga dareemayaa Xaalad deganaan ah kadib Qarax Ismiidaanmin ah oo xalay ka dhacay Magaaladaasi.

Wararka Saaka halkaa laga helayo ayaa Sheegaya in Maamulka Magaalada ay ku dhawaaqeen Xaalad bandaw ah waxa ay sheegeen in ay baarayaan sida ay wax udhaceen, waxa ayna wacad ku mareen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Ciddii ka danbeeysay Qaraxan.

Weerarkan Ismiidaamidnta ah oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca Magaaalda Buuhoodle ayaa waxaa lagu dilay Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Allaha unaxariiste Maxamuud Doolaal iyo waliba Nin la taliye usoo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ciidamo hubeeysan iyo Gadiidka dagaalka ayaa Magaalada inteeda badan lasoo tubay waxaana ka socda Howgallo lagu baadi goobayo laguna baarayo Ciddii ka danbeeysay Weerarkan ugubka ah ee Xalay Buuhoodle ka dhacay.