Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa laalay xaaladii deg-dega ahayd ee hore loogu soo rogay Degmooyinka, Ceel Afweyn Gar-adag, iyo Ceerigaabo.
Mdaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada
xaaladdii nabad-gelyo daro ee ka dhacday Degmooyinka Gar-adag , Ceel Afweyn iyo
Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Qoraalka kasoo baxay Madactooyada Soomaaliland ayaa lagu sheegay Ciidammada amaanku
ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa
falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Soomaaliland ee
wadada loo galay iyo dilalkii kale ee ka dhacay degaanadaas.
Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu yiri, “Waxaan maanta laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee aan kusoo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd”.
“Waxaan cadeynayaa in dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga”.