Somali News

Deni iyo Axmed Madoobe oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafuudan ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Sida uu qorshuhu yahay madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland  ayaa Muqdisho u imaanaya wadahadalada arrimaha doorashooyinka.

Wada xaajoodkan ay beesha  caalamka garwadeenka ka yihiin ayaa waxaa yeelan doono madaxweyne  Maxamed Cabdullaaho Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in kulanka uu ka dhacayo xerada Xalane, fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta dalalka caalamka ee Soomaaliya.

Ma cadda hadii shirkaan yahay mid ku kooban saddex dhinac ama in ay gedaal kaga soo biiri doonan hogaamiyeyaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle oo qayb ka ahaa natiijada shirka Dhuusamareeb.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kasoo kala duulaya magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, halkaasi oo ay maalmihii dambe kulamo ku lahaayeen.