Somali News

Deni iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ku soo wajahan

Madaxweynayaasha dowadd goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan caasimada dalka ee Muqdisho.

Wafdi iyo ciidamo horudhac u ah madaxdan ayaa maalmo ka hor soo gaarey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu waday in uu magaalada Muqdisho soo gaaro maalintii shalay balse sababo u gaar ah ayuu u baaqday.

Waxaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kulan ku leeyihiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxdan ayaa lagu wadaa in ay kulamo ku aadan qoddobadii shirkii Dhuusamareeb 3 la qaataan madaxda dowladda federaalka.

Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, wararka qaar ayaa sheegaya in xirnaashiyaha waddooyinka ay salka ku hayso imaanshaha Deni iyo Axmed Madoobe.