Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Caawa la shiraya Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xiisada ka taagan magaalada Boosaaso, ee u dhexaysa maamulka Puntland iyo Agaasimihii hore ee xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano gaar ahaanna Go’aannadii maalmo ka hor ka soo baxay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Odayaasha ayaa go’aamiyay in Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasinka Hay’adda PSF, islamarkaana dib u heshiisiin loo sameeyo isaga iyo Madaxweyne Deni.
Lama oga go’aanka ka soo bixi doono
