Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu mahadceliyay Taliyaha Taliska Africom, isagoona ka dalbaday in ay kala shaqeeyan la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom ayaa waxaa uu balanqaaday in ay puntland ka taageeri doonaan horumarka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.






