Somali News

Deni oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari

War qoraalka ah oo ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntlnd Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub gobolka Bari, waxaana loo magacaabay Cabdirisaaq Cali Saciid.

Qoraalka soo baxay madaxweyne Deni ayaa u qornaa sidan:.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD